Beesha Caalamka oo War kasoo saartay Colaada Laas-Caanood

0
400

Saaxiibada beesha caalamka* ayaa aad uga walaacsan rabshadaha haatan Laascaanood ka socda ee sababay waxyeellada dad rayid ah oo ay ku jiraan carruur.

Waxaan ku baaqaynaa in si degdeg ah loo qaboojiyo colaadda, ilaalinta rayidka, gargaar bani’aadamnimo oo aan la carqaladayn iyo in xiisadaha lagu xalliyo si nabad ah iyadoo loo marayo wadahadal.

Maalintii labaad oo xiriir ah ayaa Maanta waxaa dagaal xooganaa uu ku dhexmaray Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool Ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka, waxaana dagaalka ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.