Meydka Gabar Kufsi & dil loo geystay oo laga helay duleedka Cabudwaaq

0
94

Wararka laga helayo degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta barqadii duleedka degmadaasi laga helay meydka Gabar 17 jir ah oo saacadihii la soo dhaafay ay ka maqneyd ehelkeeda

Gabadhan oo lagu Magacaabi jiray Ubax Xuufar Macalin Yaxye ayaa waxaa ay deganeyd Xaafada Ammaano ee degmada Cabudwaaq, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in xalay maqribkii ay gabadha Qoryo ay dab ku shidato ka doonatay duleedka Xaafada, hayeeshee Kooxo ana la oaqoon ay kaxeysteen.

Dad ku sugan degmada Cabudwaaq ayaa Radio Cadaado waxaa ay u sheegeen in Gabadha oo la kufsaday lana bireeyay la soo dhigay duleedka Xaafada Amaano ee degmada Cabudwaaq, isla markaana ay argagax ku noqotay dadka degmada Cabudwaaq.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Booliska degmada Cabudwaaq ay ku raad joogaan dadkii ka dambeeyay falkaasi oo ah mid ku Cusub degmada Cabudwaaq & degaannada hoostaga.

Dhacdooyinka kufsiga iyo dilka Gabadhaha yar yar ayaa labadii sano ee la soo dhaafay waxaa ay kusoo bateen degaano badan oo ka tirsan koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxaana jira dad loo qabtay kiisaskaas iyo kuwo weli lagu raad-joogo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here