Khasaaro ka dhashay qarax ka dhacay degaan ka tirsan gobolka Bari

0
87

Qaraxaan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ahaa ayaa waxaa uu maanta barqadii ka dhacay degaanka Buuraleyda ah ee Galgala ee gobolka Bari, waxaana la sheegay in lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa lala beegsaday gaadiid ay wateen ciidamada puntland, waxaana Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyada qaraxa ay sheegeen inay ku dileen Sarkaal ka tirsan Ciidamada puntland.

Warar ay Al-Shabaab ku daabaceen Baraha ay ku leeyihiin internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegeen in qaraxa sarkaalka ku dhintay uu ahaa Miina Baare, kaas oo Magaciisa lagu soo koobay Sandheere.

Laamaha ammaanka Dowlad goboleedka Puntland weli wax faah faahin ah kama bixin qaraxa Ciidamada ka tirsan Puntland lagula eegtay degaanka galgala ee gobolka Bari, iyada oo dhowr jeer halkaasi qaraxyo lagula beegsaday Ciidamada Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here