Guddoomiyaha Aqalka sare & xubno kale oo gaaray Garoowe

0
81

Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha golaha aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xashi Cabdillaahi, iyada oo siweyn loo soo dhaweeyay.

Wafdiga guddoomiye cabdi xaashi ayaa waxaa kamid ah Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle iyo Xubno kale,waxaana garoonka diyaaradaha Magaalada garoowe kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi deni & mas’uuliyiin kale.

Ujeedada wafdiga Guddoomiyaha golaha aqalka sare ay u tageen magalada garoowe ayaa waxaa lagu sheegay ka qeyb-galka Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage oo 28-ka bishan ka furmaya magaalada Garowe.

Shirka ayaa sanadkaan waxaa  sidoo kale ka qeyb-geli doona inta badan xubnaha Midowga musharixiinta madaxweynaha, qaar kamdi ah madaxda dowlad goboleedyada, waxaana looga hadlayaa Xasilinta Dalka amni ahaan, Dhameystirka Dastuurka, Qabashada Doorasho qof iyo cod ah Yagleelida Nidaam Federaal oo shaqeynaya)

Ammaanka magaalada garoowe ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la filayaa in ka hor qabsoomida shirka ee 28-ka Bishaan ay Magaalada garoowe gaaraan qaar kamid ah Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Midowga Musharixiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here