Ciidanka Haramcad oo la wareegay ammaanka degmada Matabaan

0
157

Ciidanka booliska gaarka ah ayaa guud ahaan la wareegay ammaanka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka taagnaayeen falal amni daro.

Ciidanka oo kaashanaya Odayaasha dhaqanka ayaa la wareegay Barkorontool oo maleeshiyad hubeysan ay dhigteen wadada ka timaada dhanka degmada Guriceel oo maalmihii lasoo dhaafay ay cabasho ka muujiyeen qeybaha kala duwan ee bulshada.

Taliyaha ciidanka Booliska saldhigga degmada Guriceel ayaa sheegay in ciidanka ay sugi doonaan ammaanka degmada, sidoo kale ay maamulka ka caawin doonaan sidii uu ku shaqeyn lahaa.

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ayaa walaac ka muujiyay Ammaanka iyo kooxaha hubeysan ee jidgooyinka dhigta, waxaana ay sheegeen in maamulka Hirshabeelle ay ka dalbanayaan in degmada loo soo dhiso maamul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here