Wararkii ugu dambeeyay dagaal dhexmaray Ciidanka Jubbaland iyo Al-ShabaabWararkii ugu dambeeyay dagaal dhexmaray Ciidanka Jubbaland iyo Al-ShabaabWararkii ugu dambeeyay dagaal dhexmaray Ciidanka Jubbaland iyo Al-Shabaab

0
70

Dagaalkaan oo u dhaxeeyay Ciidamo katirsan kuwa Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Jubbaland oo wada jira & Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni oo kamid ah deegaannada hoostaga Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada Dowladda & kuwa Jubbaland oo wada howlgallo amniga lagu xaqiijinayey ay weerar kala kulmeen Xubno katirsan Al-Shabaab,sida ay sheegeen Saraakiil katirsan Ciidamada Jubbaland.

Dad ku sugan deegaanka Baar-Sanguuni halkaas oo Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland ay Saldhig ku leeyihiin ayaa waxaa ay sheegeen in uu jiro dagaalkaas,hayeeshee aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay.

Wararkii ugu dambeeyey ee saakay aan ka heleyno deegaanka Baar-Sanguuni iyo deegaannada ku dhow dhow ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda & kuwa Jubbaland ay wadaan howlgallo kala duwan oo ka dhan ah Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here