Kulanka Baarlamaanka Galmudug oo furmay iyo qodobada looga hadlaayo

0
49

Waxaa goordhow furmay kalfadhiga 2aad fadhigiisa kulankiisii 1aad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa Shir gudoominaya fadhiga Xildhibaanada Dowlad Goboleedka Galmudug.

Xildhibaanada Galmudug ayaa ka hadlaya xaaladda guud ee maamulka iyo sidoo kale dardargalinta shaqooyinka baarlamaanka.

Madaxweynaha Galmudug ayaa dhawaan sheegay in ay jiraan sharciyo badan oo baarlamaanka Galmudug laga doonaayo in ay meelmariyeen.

Shaqada baarlamaanka Galmudug ayaa hakad ku jirtay bilihii lasoo dhaafay sababo la xariira Cudurka corona virus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here