Al-Shabaab oo La Sheegay in laga dilay 50 Dagaalame Lagana dhaawacay 90 Kale

0
45

Saraakiil katirsan Sirdoonka Soomaaliya ayaa Faah faahin ka bixiyay Duqeymo Xoogan oo ka dhacay Deegaano ka kala tirsan Gobolada Baay, Shabeelaha Hoose iyo Degmada Jamaame Gobolka Jubbada Hoose.

Duqeynta 1aad oo ka dhacday deegaanka Kuunya Baroow ee Gobalka Sh/hoose ayaa la sheegay in waxyeelo ay kasoo gaartay 24 Dagalame oo uu ku jiro Amiir Abuu Mucaad oo katirsan Saraakiisha sarsare ee Al-Shabaab.

Duqeynta 2aad ayaa ka dhacday Deegaanka Buula-fulaay oo katirsan Gobolka Baay, halkaas oo la sheegay in lagu diley 7 Amiir oo uu kujiro Seediga Amiirka Al-shabaab Xilli ay safar dhulka ah kujireen oo kabaxeen Deegaanka Buula- Fulaay ee Gobalkaasi.

Duqeynta 3aad ayaa ka dhacday Magaalada Jamaame oo katirsan Jubbada Hoose ayaa lagusoo waramayaa in 50 dagaalyahan lagu diley halkaasi, sidoo kale lagu dhaawacay 90 kale Sida ay Xaqiijiyeen Saraakiisha Sirdoonka u qaabilsan Militariga Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here