Xiisad ka taagan Itoobiya & laamaha amniga oo ka hadlay

0
30

Xiisad ka taagan galbeedka deegaanka Oromada ee dalka Itoobiya si ay wax uga qabato waxay dowladda Itoobiya dhawaan deegaannadaasi ka howl gelisay ciidamo ammaanka sugo.

Inkasta oo ay dowladdu horay u sheegtay iney ciidamadeeda ay u howl gelisay iney shacabka weerarrada uga imaanayo kooxaha hubeysan ay ka difaacdo haddana, sida baraha bulshada la isla dhex marayo waxaa ciidamada dowladda Itoobiya laftooda lagu eedeeyaa iney qayb ka yihiin dhibaatada shacabka loo geysto.

Abaanduule ku xigeenka Ciidamada Itoobiya Janeraal Birhaanu Julaa oo amuurtaasi iyo guud ahaan xaaladda amni ee dalkaasi ka hadlayay ayaa sheegay in eedeynta loo jeediyey Ciidamada ay deegaanka Ormada geeyeen aan waba ka jirin.

Ciidama tira badan oo ka tirsan wasaaradda gaashaan dhigga ayaa laga howl geliyey galbeedka deegaanka Oromada gobollo ku yaallo, taliska ciidanka halkaasi ka taliyana adeegyada interneetka iyo taleefannada gacantooda ayey ku jiraan waxbana kama jiraan waxa ciidamada lagu soo eedeeyey ayuu yiri” Janeraal Birhaanu Julaa.

Abaanduule ku xigeenka ciidamada Itoobiya General Birhaanu Julaa wuxuu sheegay ciidamada qalabka sida iney galbeedka Oromiya ay ka wadaan howlgal ballaadhan oo amniga iyo sarreynta sharciga lagu soo celinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here