Xiisad dagaal oo ka taagan Gobolka Galgaduud

0
21

Xiisadaan dagaal ayaa waxaa ay u dhaxeeysaa laba Maleeshiyo Beeleed, iyada oo ay saakay ilaa iyo xalay ay ka taagan tahay nawaaxiga deegaanka Bangeele oo ku yaalla inta u dhaxeysa Magaalooyinka Cadaado & Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

14-kii Bishii la soo dhaafay ee Janaayo Sanadkaan 2020 ayaa labada maleeshiyo beeleed waxaa uu dagaal ku dhexmaray deegaannada Bangeele iyo Mirxaley,waxaana halkaasi la kala dhex-dhigey Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in sababaha xiisadaan soo cusbooney siiyey ay qeyb ka tahay,kadib markii Ciidamadii Millateriga ee ka tirsanaa qeybta 21aad ay deegannadaas isaga soo baxeen.

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya deegaannada Bangeele iyo Mirxaley ayaa waxaa ay sheegayaan in saakay ay halkaasi ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa labada maleeshiyo Beeleed,waxaana dadka deegaanka ay sheegeen inay cabsi dareemayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here