Wafdi ka socda QM oo soo gaarey Magaalada Muqdisho

0
165

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir {Maareeye} oo uu wehliyo agaasimaha guud ee wasaaradda ayaa wasaaradda ku soo dhaweeya Wafdi sare oo ka socday Hay’adda QM u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR.

Wafdiga ayaa waxaa hogaaminayay Madaxa Hay’adda ee Soomaaliya Mr. Johann Siffointe oo ay wehliyaan Ahmed Ainte, Senior Liaison Officer, UNHCR Christophe Beau – Protection Cluster Coordinator.

Wasiir Maareeye iyo Masuuliyiinta UNHCR ayaa ka wada hadlay arrimaha ay ka mid yihiin sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta ka dhaxaysa hayda qaxoontiga aduunka iyo wasaarada warfaafinta Soomaaliya iyo Sidii dadka Soomaaliyeed ee qaxootiga ah iyo barakacayaasha ay u heli lahaayeen wacyigalin dhab ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here