SAWIRO:-Kulamo iska soo horjeeda oo ka dhacay Dhuusamareeb

0
25

Madaxwaynaha Galmudug Garabka Ahlusunna Maxamed Shaakir Cali Xassan iyo Madaxwayne ku xigeenkiisa Maxamad Shuuke Macalim ayaa kulan la qaatay Wasiirada Dowlad Goboleedka Galmudug.

Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen Arrimo ay ka mid Yahiin, sidii loo dardar galin lahaa howlahii Shaqo ee Wasaaradaha Dowlad Goboleedka Galmudug iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta iyo Xariirka wanaagsan daneeyayaasha Arimaha Horumarinta Galmudug.

Dhinaca kale Madaxweynaha Cusub ee Dolwad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa uu kula kulmey Odayaasha Dhaqanka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii Odayaasha Dhaqanka iyo Bulshada ula Shaqeyn lahaayeen Maamulka Cusub ee Galmudug loona bilaabi lahaa dib u heshiisiin.

Si kastaba kulamadan iska soo horjeeda ayaa waxaa ay kusoo aadayaan xilli weli aan wax xal ah laga gaarin khilaafka ka dhashay doorashadii uu kusoo baxay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here