Dhageyso:-Guddoomiye Filish oo balan qaad u sameeyey Shacabka Muqdisho

0
451

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa caasimadda muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (filish)  ayaa sheegay in maamulkooda ay dib u dayactirayaan goobihii ku burburay roobkii dhawaan ka da’ay Magaalada muqdisho Muqdisho.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha goobaha burburay oo ay dhisayaan in ay yihiin wadooyinka iyo guryaha ay leeyihiin dadka rayidka ah uu saameeyey roobka .

Waxa uu intaa kudaray Guddoomiyaha in howshaan ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga howl gali doonaan , waxaana uu shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan barakacayaash uga digay in  aysan dagin guryo duug ah ama duqoobay oo aan xamili Karin roobka si uusan ugu soodumin una samayn.

Hadalka guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan Roobkii ka da’ay muqdisho uu wadooyin farabadan burburiyey sidoo kale dad ay ku dhinteen guri kusoo dumay Magalada Muqdisho.