Wasiirkii hore ee Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa faahfaahino dheeraad ah ka bixiyay sababta keentay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ku dhiirato in ay gacanta ku dhigto maamulka dowlad goboleedyada.
Waxaa uu sheegay in dowlada dhexe ay aaminsan tahay in guud ahaan dalka ay maamusho,islamarkaana wax awood ah aysan siinin maamul goboleedyadda.
Daahir Maxamuud Geelle ayaa xusay in hanaanka Federaalka in uu yahay midkii ay ku heshiiyeen umadda Soomaaliyeed, islamarkaana loo baahan yahay in la dardargaliyo laakiin aan lama jaxaabin.
Madaxda dowladda ayuu sheegay in aysan ku qanacsaneyn maamul goboleedyada taas badalkeedana ay door bideyo Awood muquuninta Madaxda maamul goboleedyada.
Hanaanka Faderaalka ayuu xusay in muhiim u yahay degaanada dadka Soomaaliyeed ay kunool yihiin si loo helo adeeg bulsho, maadaama dowlad dhexe oo xooggan aysan dalka ka jirin.