Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Beeraha oo xilka la wareegay

0
25

Kulan  uu xilka kula wareegayay Agaasimaha Guud  ee Wasaaradda Beeraha iyo waraabka XFS, ayaa waxaa kasoo qeyb-galay masuuliyiin ka kala socotay qaar ka mid ah Wasaaraddaha XFS  Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka iyo madax tirsan wasaaradda beeraha ee Dawladda Soomaaliya.

Agaasimaha Cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Fedaraalka Soomaaliya Pro: Nuur Yuusuf Nuur ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono Horumarinta Arrimaha Beeraha.

“Waxaan rabaa in ka codsado agaasimaheenii hore koleey Mas’uuliyada waad igu wareejisay ee maadaama aadan waayo aragnimadaada igu wareeji karin Cilmigaaga ha igala dheeraan”Ayuu yiri Pro: Nuur Yuusuf Nuur

Xildhibaan Sakariye xaaji Cabdi oo ah Gudoomiyaha Guddiga Beeraha ee golaha shacabka ayaa ugu baaqay masuuliyiinta wasaaradda in laga faa’iideysto khibradda uu leeyahay Agaasimaha xilka wareejiyay, dardaaranna u jeediyey maamulka cusub.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka  Soomaaliya Xildhibaan Saciid Xuseen Ciid ayaa ugu hambalyeey Agaasimaha Guud Cusub ee Wasaaraddaasi xilka loo magcaabay waxaana uu u rajayay inuu kasoo bixi doono Howsha Culus ee loo dhiibay, sidoo kalena waxaa uu uga mahadceliyay shaqadii wanaagsaneed ee uu soo qabtay Agaasimahii Hore ee Wasaaraddaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here