RW Itoobiya & Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga oo wadahadallo yeeshay

0
26

Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Carabiy, Maxamed Bin Salmaan, ayaa Maanta waxaa ay wadahadallo ku dhexmareen  khadka dhinaca  telefoonka Ra’iisul Wasaaraha  Itoobiya, Dr Abiy Axmed.

Dhaxal sugaha ayaa cabirey sida uu ugu faraxsan yahay kaalinta uu Ra’iisalwasaaruhu ka ciyaarey dhexdhexaadintii Milatariga iyo Mucaaradka sida ay sheegtey wakaalada wararka ee Sacuudiga Carabiya.

Wuxuu intaasi hadalkiisa  ku daray in dawladiisu kaalin weyn ka qaadaneyso sidii loo xasilin lahaa wadankaasi suudaan oo dhowrkii bilood ee la soo dhafay ay ka jireen qalalaaso siyaasadeed.

Golaha milaatariga ee ku meel gaarka ah iyo xoogaga xurriyada iyo isbadalka ayaa kala saxiixdey heshiis ah inay awooda wadaagaan maalinkii Sabtida ahayd. Labada dhan ayaa heshiiska ku saxiixay Magalada Khartuum oo ah Caasimadda dalka Suudaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here