Dhagayso: Odoyaasha Dhaqanka Cadaado Oo Markale Sheegay Inaysan Kaqayb Galayn Shirka Dhuusamareeb

0
448

Xili dhawaan lafilayo inuu dhuusamareeb kafurmo shirka dib-uhashiisiinta beelaha galmudug ayaa markale waxay shegeen inaysan kaqayb gali doonin shirkaas odoyaasha dhaqanka cadaado ayaa sidoo kale beenin inay ku kala qaybsameen kaqayb galka shirka dib ushasiisiinta beelaha galmudug  ee qaban qaabadiisu kasocoto caasimada galmudug ee dhusamareeb  nabadoon salad muuse warsame oo kamid ah odoyaasha dhaqanka cadaado oo waraysi gaara siiyay radio kulmiye ayaa sheegay inaysan jirin cid iyaga kasocota oo kaqayb galaysa shirka dib ushasiinta galmudug,dhinaca kale nabadoon salad muuse warsame ayaa dowlada soomaliya uga digay dad uu sheegay inay kaqoroyso muqdisho kuwaas oo uu sheegay in lasoowado dhuusamareeb si ay umataalaan waxgaradka cadaado oo iyagu diidey shirka dib-uhashiisiinta galmudug

Hadalkaan kazoo yeery odoyaasha dhaqanka cadaado ayaa soo baxaya xili dhawaan lafilayo inuu dhuusamareeb kafurmo shirka dib uashiisiinta galmudug kaas oo qaban qaabadiisa ay wadaan gudiga dib u hashiisiinta galmudug, waxaana dhuusamareeb gaarey dhowrkii m aalin ee lasoo dhaafey ergooyin badan kuwaas oo kaqayb galaya shirka dib uhashiisiinta galmudug

HALKAAN HOOSE KADHAGAYSO WARBIXIN UU  NOODIYAARIYAY WARIYE                                  SHARMAARKE MAXAMED MAXAMUUD

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here