Ciidamada Dowladda Somalia oo la wareegay deegaano Cusub

0
78

Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed  qeybta 43aad eyaa waxaa ay howlgallo ka fuliyeen deegaano hoostaga degmada Baardheere ee Gobolka Gedo,waxaana saraakiisha howlgalka hoggaamimeysa ay sheegeen in Ciidamadu ay deegaano dhowr ah kala wareegeen Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa sigaar ah waxaa ay uga dhaceen deegaannada Cabdi afeey iyo Baar-macallin oo dhinaca  galbeed  uga beegan 45km degmada Baardheere,waxaana la sheegay inay deegaannadaas horay ugu sugnaayeen ururka Al-Shabaab.

Taliyaha Ururka 49ad ee guutada 10aad Dhame Cali Maxamed Xasan ayaa sheegay in Goobaha ay howlgalka ka fuliyeen ay Al-Shabaab mudo gacanta ku hayeen,hayeeshee ay haaan Ciidamada la wareegeen,isla markaana howlgallada ay ahaayeen kuwa qorsheysan.

Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Gobolka Gedo ayuu ugu baaqay inay Ciidamada kala Sahqeeyaan dhanka Amniga,sidoo kalena Ciidamada Dowladda ay diyaar u yihiin inay Shabaab ka saaran deegaannada Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Howlgallada Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Gedo ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli maalmihii la soo dhaafay ay ciidamada dowladda ay howlgallo kala duwan ka wadaan deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here