Wafdi uu Hogaaminayey Madaxa Hay”adda WFP Casar Arroyo ee Maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay,waxaana ujeedkoodu ahaa sidii ay u ogaan lahayeen xaaladaha kajira Deegnaadda Koonfur Galbeed Somaliya. Xarunta Aqalka Madaxtooyada kumeel Gaarka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo Wafdiga waxaa kulan kula Qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen iyo Qaar ka tirsan Golihiisa Wasiirada Waxaana Kulanka inta uu Socday looga hadlay Sidii Hay”adda WFP ay u kordhin lahayd Arimaha Gargaarka ee ay ka wado Deeganadda Koonfur Galbeed, Waxaana Madaxa Hay”adda WFP uu sheegay inay kordhin doonan kaalmada Bini’adannimo ee ay ka wadan Gobolada Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa u mahadceliyey Madaxda Hay”adda WFP, Waxaana uu ku dhiiro Geliyey inay kordhiyaan sidii kaalmada Bini’aadannimo ee ay kawadan Koonfur Galbeed ay u joog tayn lahayeen.

0
17

Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Kumaandoosta ayaa waxaa ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabeen tuulooyin duleedka ka ah deegaanka Tooratoorow ee GobolkaasiShabeellaha Hoose halkaas oo ay ku sugan yihiin Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Mas’uuliyiinta Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalkaas ay Ciidamada ku doonayaan inay Shabaab uga saaraan deegaanka Tooratoorow iyo tuulooyinka u dhow dhow oo ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay ka go’aan tahay in Gobolkaasi laga saaro Al-Shabaab, isaga oo u mahad celiyay ciidamada Dowladda ee howlgalka wada.

“Ciidamada kumandoosta soomaaliyeed ee DANAB oo hawlgal balaaran ka wada deegaanka Toortoorow iyo deegaano kale oo ay ku sugan yihiin alshabaab. Sidaan horey ugu balanqaadnay shacabka gobolka shabeelaha hoose ee KGS waxaan gobolka ka ciribtiri doonaa Alshabaab insha allah ayuu yiri guddoomiye Najax”.

Howlgalkan ka bilaawday duleedka deegaanka tooratoorow  yo Warka ka soo baxay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan ciidamada Dowladda la wareegeen degmada Awdheegle,isla markaana shalay ay Shabaab ku qaadeen weerar qaarxyo ku bilaawday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here