British Airways oo joojisay duulimaadyadii ay ku tegi jirtay dalka Masar

0
108

Shirkadda diyaaradaha British Airways ayaa hakisay duulimaadkii ay ku tagi jirtay magaalada Qaahira dalka Masar. Go’aankan shirkadda ayaa lagu saleeyay walaac dhinaca amniga ah oo soo baxay.

Shirkadaha Lufthansa ee Jarmalka ayaa iyaduna si kooban u hakisay duulimaadkii Masar, balse sheegtay maanta inay dib u bilaabayso duulimaadkeedii Masar.

Tallaabadaan ay ku dhaqaaday shirkadda Diyaaradaha British Airways ayaa kusoo aadeysa xilli uu jiro xiisad culus oo u dhaxeeysa dalalka Iiraan & Britain, iyada oo dowladda Iiraan ay afduubatay Markab uu ka babanayay Calanka dalka Britain.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here