SAWIRO: Dowladda Soomaaliya oo qalabeysay Ciidamo cusub

0
37

Ururka Dal-dhis ee Guutada 14 Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay u dhameystirtay Qalabkii ay ku Howlgali lahayeen Ciidanka, sida Hubka, Gaadiidka dagaalka iyo Agabyadii kale ee ay ku howlgali lahaayeen, si dalka ay uga Xoreeyaan Al-Shabaab.

Ku-Simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Ahna Taliye Ku-Xiggeenka XDS S/gaas Cabdi Xasan Maxamed ayaa Booqasho dhiiri-gelin ah ugu tagay Ciidankaan oo ku jira Xerada General Gordan ee Magaalada Muqdisho.

Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed ayaa Ciidanka ururka Dal-dhis kula dardaarmay in ay si wadajir ah uga qeyb qaataan Howlgalada Dalka Ka socdo.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here