Khasaaro ka dhashay Shil Gaari oo ka dhacay Gobolka Bari

0
35

Shilkaan gaari ayaa yimid kadib markii Gaari nooca Xamuulka qaado ah  uu ku rogmaday wadada u dhaxeysa Magaalooyinka Boosaaso iyo Khardho ee Gobolka Bari,waxaana la sheegay inay ku dhinteen laba Ruux hal qof kalena uu ku dhaawacmay.

Gaariga rogmaday aya sida ay goobjoogayaal sheegeen ka yimid dhinaca degmada Khardho,isla markaana Ari farabadan uu u waday Magalada Boosaaso,hayeeshee uu rogmaday,waxaana qofka ku dhaawacmay la geeyay Isbitaalka Magalada Boosaaso.

Shilkaan Gaari ayaa sidoo kale waxaa uu sababay isku socodka Gaadiidka wadada xiriirisa Boosaaso iyo Khardho,waxaana sidoo kale shilkaasi waxyeelo kasoo gaartay riga faraha badan oo uu siday.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Boosaaso iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa gurmad u sameeyay Gaariga rogmaday,waxaana sidoo kale socda dadaalo Gaariga wadada looga leexinayay kaas oo hakiyay isku socodka Gaadiidka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here