Sucuudiga oo Berbera dib ugu celinaya Markab wada 20 kun oo Neef

0
60

Wasiirka wasaarada xanaanada Xoolaha Somaliland Xassan Maxamed Gaafaadhi ayaa waxaa uu cadeeyey in markab Somaliland  xoolo nool ka qaadey afar cisho ka hor uu ku xayiran yahay  Dekada Magaalada Jiddah ee dalka Sucuudiga.

Somaliland ayaa sheegay in tilaabaddan ay  timid kadib markii dawlada Somaliya ay cabasho ka gudbisay isla markaana Dekada Berbera ka shiraacdey oo ay Somaliya dooneyso in ogolaansho ay iyadu bixiso xoolaha Soomaaliya ku dhoofaan

Wasiirka ayaa ku hanjabey hadii arintaasi xal loo waayo in ay Somaliland raadsan doonto suuqyo kale oo ay xoolaheeda u dhoofiso

Wasiirka ayaa sheegay in Shacabka Somaliland uu soo gaaray dhaawac weyn oo dhanka Ganacsiga ah,islamarkaana Xukuumada ay la imaan doonto Isbedel weyn.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here