Madaxweyne Laftagareen oo Baydhabo ka furay kulan uu sheegay in shacabku kula xisaabtamayaan Xukumadiisa.

0
67

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen  ayaa maanta Magaalada Baydhabo ku daahfurey todobaadka isla xisaabtanka Dowlada iyo Shacabka Koofur Galbeed.

Madaxweynaha Laftagareen ayaa Baydhabo ka daahfuray Mashruuc  loogu magic daray todobaadka  ,waxaana Ka soo qeyb Galey Gudoomiyaha Baarlamanka KGS, Wasiiro,Xildhibaano ,Saraakiil ka tirsan  Ciidamada, maamulka Gobolka Baay ,ka Degmada Baydhabo, odayaasha dhaqanka , Ururada Bulshada Rayidka Magaalada Baydhabo.

Waxana Isla Xisaabtankan Loogu Magac darey Todobaadka Dowladda Iyo Shacabka reer Koofur Galbeed Soomaaliya .

Waxana inta uu socdo  Barnaamijkan Su’aalo Lagu weydiin doono Wasiirada wasaradaha Dowlad Goboleedk koonfur Galbeed Soomaaliya ,uu ugu Horeeyo Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya sida qorshuhu yahey.

Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa furitaan kulaan ka dib ka hadley waxyabihii uga qabsoomey intii uu xilka haayay ayaa sheegay  in Arrimaha Amaanka ,Dhismaha Ciidamada Dowlad Goboleedka, Dhismaha Xaruumaha Dowlada ,kuwa danta Guud ,iyo Xiriirka Wanaagsan Beesha Caalamka Iyo Dowladda Soomaaliya uu aad uga shaqeeyay isla markaana uu ku guulaystay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here