Guddoomiye Mursal & Madaxweyne laftagareen oo la kulmay saraakiil Ciidan

0
662

Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka soomaaliya Amb Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxmaan iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Lafta-gareen ) ayaa kulan la qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka darawiishta KG kuwaasi oo isugu jira ciidan hadda tababar dhamaystay u baahan in la qalabeeyo.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa wasiiradaha wasaarada gaashandhiga amniga mareynta iyo masiibooyinka,wasiiru dowlaha xafiiska raisul wasaaraha, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka soomaaliya,wasiir ku xigeenka amniga KG ayaa warbixin ku aadan ciidanka ka siiyey madaxda dowlada dhexe iyo KG.

Wasiirka wasaarada gaashandhiga xukuumada Soomaliya Xasan maxamed amar dambe oo qeyb ka ahaa wafdigii ku sugna degmada xudur ayaa dhankiisa sheegey in kan dowlad ahaan ay ka jawaabi doonan baahiyaha haysta ciidanka ku sugan gobolka bakool loona dhamaystiri doona qalabkooda.

Madaxweynaha dowlad goboleedka KG mudane cabdicasiis xasan maxamed ( lafta gareen ) ayaa dhankiisa ciidanka kula dardaarmey inay ku dadaalan sidii degmooyinka gobolka bakool ay uga xureyn lahayeen Al-Shabaab kuwaasi oo dhibaato ba’an ay ku hayaan shacabka somaliyeed dowladiisan muhiimad gooni ah ay siinayso sidii guud ahaan KG a looga saari lahaa.

Gudoomiyaha barlamaanka somaliya amb maxamed mursal shekh cabdiraxmaan ayaa amaanay madaxweynaha KG sida ay uga go’antahay in uu wax ka qabto guud ahaan KG waxaana uu ciidanka kula dardaarmay inay ka shaqeeyen sidii Al-Shabaab looga xureyn lahaa gobolka bakool waxaana uu tilmaamay in kan dowlad ahaan ay taageeri doonan sidii looga guuleysan lahaa.