Xukuumadda Soomaaliya ayaa faah faahin Guud ka bixisay Heshiiska ay Shirkadda Vafori loo kordhiyay oo ay ku maamuleyso Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho,kaas oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay oo ay shirkadaas oo laga leeyahay Turkiga ku maamuleysay.
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay heshiis Cusub la gashay Shirkdaas kaas oo ku saabsan qandaraas dhinaca dhismaha ah,isla markaana Garoonka diyaaradaha dib u dhis iyo ballaarin lagu sameyn doono.
Heshiiskaas qandaraaska loogu kordhiyay Shirkadda Vafori ee laga leeyahay dalka Turkiga ayaa waxaa shalay ansixiyay golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya kadib shir ay ku yeesheen Magalada Muqdisho.