Xisbiga Himilo Qaran oo war kasoo saaray xaaladda siyaasadeed ee Galmudug

0
49

Xisbiga Himilo Qaran oo kamid ah Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ayaa war kasoo saaray qalaasaha siyaasadeed ee Galmudug ka taagan.

War qoraal ah oo kaoo baxay Xisbiga Himilo Qaran ayaa lagu yiri, “wuxuu Xisbigu ka walaacsanyahay saamaynta dhaqdhaqaaqyada siyaaseed ee baryahan dambe ka aloosan deegaannada Maamul Goboleedka Galmudug.

Dadka kunool Dowlad goboleedka Galmudug waxay muddo kunnaalloonayeen nabad-gelyo iyo xasillooni toos oo baahan in la xoojiyo lana mideeyo awoodda dadka deegaanka si loo adkeeyo dowladnimada.

Xisbigu wuxuu bogaadinayaa dul-qaadka iyo xil-kasnimada dadka reer Galmudug wuxuuna ku kalsoonyahay in ay kuguuleysan karaan xal u helidda xiisadda hadda kataagan Galmudug.
Xisbigu wuxuu ka digayaa faro-gelinta sharci-darrada ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay kuhayso maamul goboleedyada guud ahaan taasoo ay caado kadhigatay, wuxuuna Xisbigu ugu baaqayaa Xukuumadda Federaalka in ay joojiso kana waantowdo arrintaas.

Xisbiga Himilo Qaran wuxuu kubaaqayaa:
In Siyaasiyiinta, Odiyaasha Dhaqanka, Culumaa’udiinka, Wax-garadka, iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada reer Galmudug ay ilaaliyaan midnimada iyo xasilloonida si looga fogaado wax walbaoo dhalinkara inuu daato dhiig-sokeeye.

In Xukuumadda Federaalku ay ka fogaato faro-gelin kasta oo horeseedi karta kala qaybin iyo iskahorimaad bulshada dhexdeeda ah, iyo in ay ka dheeraato wax walba oo keeni kara khalkhal-gelinta nabad-gelyada iyo xasilloonida deegaanada Galmudug.

In dhammaan dhinacyada ay khuseyso xiisadda hadda ka taagan Galmudug ay dhowraan shuruucda iyo heshiisyada lagu dhisay Dowlad Goboleedka Galmudug.

Ugu dambeyn Xisbiga Himilo Qaran wuxuu soodhaweynayaa dadaal kasta oo looga golleeyahay isu soodhaweynta iyo xoojinta wada jirka Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Galmudug”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here