Kulamadii dhuusa mareeb oo ku dhaw heer gaban gabo ah

0
75

Kulamo lagu qancinaayo dhinacyadda iska soo horjeedda ee maamulka Galmudug ayaa ka socda Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada maamulka Galmudug.

Kulamaddan ayaaa u dhaxeeya Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, Madaxa Xukuumadda Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Mas’uuliyiin ka socday dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa xalay kulamo la qaatay Madaxa Xukuumadda Galmudug iyo Macalin Maxamuud, waxaana kulamaddiisa looga hadlay sidii doorasho uga dhici la heyd Magaalada Dhuusamareeb.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka iyo Wafdiga dowladda Soomaaliya ee gaaray Magaalada Dhuusamareeb iyo waxyaabaha la isku afgartay intii ay socdeen kulamada kala duwan ee looga hadlaayay Xaaladda Galmudug.

Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta maamulka iyo waxgaradka ayaa sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay dooneyso in Galmudug ay ka dhacdo doorasho la mid ah midii ka dhacday Magaalada Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here