Walaac xoogan oo laga muujinayo badqabka maxaabiista ku xiran xabsiyada Masar

0
70

adib geeridii ku timid todobaadkaan madaxweynihii sida dimuquraadiga ay u soo doorteen shacabka Masar Maxamed Mursi ayaa waxaa soo baxaya walaaca laga qabo badqabka maxaabiista ku xiran xabsiyada Masar.

Taliyihii hore ee ciidanka amniga Masar oo isku badalay madaxweynaha haya talada ayaa kordhiyay cadaadiska uu ku hayo shaqsiyaadka uu arko in ay caqabad ku yihiin Xukuumada.

Amar ka soo baxay Cabdel Fataax Al-Siisi ayaa waxuu ku faray ciidanka in ay gudaha dhigaan cidkasta oo ka soo horjeeda dowlada oo uu u arkayo in ay qalqal galineyso amniga waa sida uu sheegtaye.

Hey,ada u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights ayaa sheegtay in ay cadaadis xoogan ay wajahayaan maxaabiista ku xiran xabsiyada.

Agaasimaha bariga dhexe iyo waqooyiga Afrika u qaabilsan Human Rights Watch Human Sarah Leah Whitson ayaa sheegtay in jirdil loo geysto siyaasiyiin iyo shaqsiyaadka u xiran dowlada Masar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here