Madaxweyne Waare oo Caawa ka hadlay Xaalada Beledweyne

0
85

Madaxweynaha maamulka HirShabelle Maxamed cabdi Waare Oo goordhow shir Jaraaid ku qabtay Magaalada Beledweyne ayaa wacad ku maray cid kastaa oo ka dambeysay Dilka Taliyihii Qeybta Boliiska gobolka Hiiraan Cornel Marxuum Maxamed Macow in la marsiin doono Cadaaladda.

Waxaa sheegay in ay socdaan baaritaano la xariira dilka taliyaha islamarkaana lasoo qaban doono kooxihii ka dambeeyay.

Madaxweynaha oo ka tacsiyeynayay geerida Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Macow, ayaa qoyska taliyaha iyo Guud ahaan Bulshada Reer Beledweyne ugu baaqay in ay isdejiyaan oo muujiyaan xasilooni waxaana uu u balanqaaday in cadaalad ay heli doonaan.

Waare ayaa tilmaamay in bulshadda Reer Hiiraan laga doonaayo la shaqeynta maamulka cusub ee uu Magacaabay.

Madaxweyne Waare ayaa maanta dibadbaxayaal careysan iyo Ciidamo daacad u ah Yuusuf Dabageed u diideen in gudaha uu u galo Magaaladda Baladweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here