Xildhibaan Daahir Jeesow oo ka hadlay Xaaladda Hiiraan

0
50

Xildhibaan Daahir Aamin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee laga soo doorto Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in tahay wax laga xumaado xiisadda ka taagan Magaalada Beledweyne.

Xildhibaan Daahir Aamin Jeesow ayaa ugu baaqay Madaxda maamulka Hirshabeelle iyo Gudoomiyihii xilka laga qaaday Hiiraan Yuusuf Dabageed in ay Xaaladda dejiyan, islamarkaana aysan dhibaateyn dadka Shacabka.

Xildhibaanka waxaa uu sheegay in Yuusuf Dabageed laga doonaayo in uu xilka wareejiyo si aysan dhibaato uga dhalan, maadaama uu shalay xilka kala wareegay Muwaadin la mid ah oo Hiiraan kasoo jeedda.

Hadalka xildhibaanka ayaa yimid xilli Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah uu ka dhashay dagaal degaanka Kalabeyr ee Gobolka Hiiraan ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Maamulka Hir-Shabeelle iyo Ciidamo taabacsan Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Gobolkaasi Yuusuf dabageed.

Dadka dagaalkaas ku geeriyooday ayaa waxaa ka mid ah taliyihii qeybta Booliska gobolka Hiiraan Gaashaanle Dhexe Maxamed Mocow,waxaana ku dhaawacmay taliye kuxigeenka ciidanka Booliska Baladweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here