Maamulka Hir-Shabeelle oo War kasoo saaray dagaalka duleedka Baladweyne

0
84

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay dagaal deegaanka Kalabeyr ee Gobolka Hiiraan ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Maamulka Hir-Shabeelle iyo Ciidamo taabacsan Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Gobolkaasi Yuusuf dabageed.

Dadka dagaalkaas ku geeriyooday ayaa waxaa ka mid ah taliyihii qeybta Booliska gobolka Hiiraan Gaashaanle Dhexe Maxamed Mocow,waxaana ku dhaawacmay atliye kuxigeenka ciidanka Booliska Baladweyne.

Afhayeenka Maamulka Hir-Shabelle Daa’uud Xaaji ciro ayaa marka hore u tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay dagaalkaas gaar ahaan taliyihii qeybta Booliska gobolka Hiiraan Gaashaanle Dhexe Maxamed Mocow.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay inay baaritaan dahb ah ku sameynayaan cid alaala cidii ku lug yeelata tallaabo Shaci ah laga qaadi doono.

Dowlada HirShabeelle waxay Baaritaan Cad ku sameeysaneysa Qaabka uu u dhacay Falkaasi Cid Walba oo Falkaas ku lug yeelatana Waxay ka qaadaysa Talaabo Sharciga Waafaqsan.Sharciga Ayaa Cidwalba ka sareeyo ayuu yiri Afhayeenka Maamulka Hir-Shabelle.

Dagaalka Maanta ka dhacay deegaanka Kala-beyr ee duleedka Baladweyne ayaa waxaa uu salka ku hayay xiisadii ka dhalatay xilka qaadistii lagu sameeyay Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed balse uu diiday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here