Xukuumadda Somalia oo amar kasoo saartay qashin lagu Shubo Garoonka Aadan-Cadde

0
73

War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed( Khadar) ayaa lagu mamnuucay in aan wax qashin ah lagu daadin Karin Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in uu kordhay qashinka dhex yaalla Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho,isla markaana aan la aqbaleyn laga bilaabo 1-da bisha soo socota ee July in qashin lagu Shubo Garoonka.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka amarkaan kasoo baxay ayaa la faray inay u hoggaansamaan, AMISOM iyo hay’adaha ka howlgalla Garoonka,waxaana lagu sheegay inay ka dhalan karto ku shubida qashinka khatar farabadan,sida  Caafimaad daro iyo badbaada xumo.

Si kastaba amarkaan kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka ee lagu mamnuucay in Qashin lagu shubo Garoonka Muqdisho ayaa waxaa uu imaanayaa xilli shalay Muqdisho laga xusay Maalinta deegaanka,iyada oo sanadkaan halheys looga dhigay “TALLAABO QAAD SI AAD UGA ADKAATO WASAQOWGA HAWADA”,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here