Madaxweynaha Shinaha oo ammaanay Vladimir Putin iyo Donal Trump oo hanjabay

0
82

Madaxweynaha dalka Shinaha Xi Jinping ayaa madaxweynaha dalka Rashiya Vladimir Putin ku tilmaamay  in uuu yahay saaxiibkiisa qaaliga ah,xilli uu booqasho 3-cisho ah ku joogo magaalada Mosko,halkaas oo diiradda lagu saarayo arimaha ganacsi iyo xiriirka 2-da dal.

Booqashada ayaa timid xilli Shinaha iyo Mareykanka ay sii kordhayaan dagaaalka ganacsi ee u dhexeeya dhinacyadaasi,waxaana Rashiya waqtiaan ay dooneysaa in ay wanaajiso cilaaqaadka dalalka Bariga ka dib markii uu sii xumaaday xiriirkii uu la lahaa dalalka galbeedka.

Madaxweynaha Shinaha ayaa sheega in muddo lix sano ah uu 30-jeer booqday dalka Raashiya,wuxuuna intaa ku daray in Fladamiir Putin uu yahay saaxiib qaali ah oo ku weyn.

Xi Jinping iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maalunimadii shalay oo Arbaco aheyd gaaray magaalada Moso,halkaas oo 2-da dhinac ay wada saxiixeen  heshiis ganacsi oo mug leh

Dhinaca kale Madaxweynaha daka Mareykanka ayaa soo saaray hanjabaad  cusub oo ku aadan in haddii uu ka fursan waayo uu canshuur kale oo gaaeysa  $300 billyan  uu saarayo alaabaha ganacsi ee uu dhooofiyo Shinaha,wuxuuna intaa raaciyay in Shinaha uu ka rajenayo in ay wadahadal cusub ka galan arimaha ganacsi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here