Soomaaliland Oo Aqoon-yahan Dheglaab Ku Xirtay Laascaano

0
134

Mas’uuliyiinta Somaliland ee gobolka Sool, ayaa caawa magaalada Laascaanood ku xiray, Cabdinaasir Axmed Nuur (Dheglaab) oo kamid ah aqoonyahannada gobolka Sool.

Aqoonyahanka ayaa xabsiga la dhigay, kadib markii uu ku baaqay in calanka umadda Soomaaliyeed iyo midnimada dalka aan la siisan, shilimaadka ay bixiso Somaliland ee lagu wiiqayo midnimada iyo wadajirka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Dheglaab ayaa bulshada ku nool gobolka Sool ku boorriyay in aysan marnaba aqbalin, in gobolka Sool uu ka taliyo maamul diiddan calanka iyo astaanta Qaranka Soomaaliyeed, islamarkaana doonaya in uu dhantaalo midnimada dalka.

Aqoonyahanka ayaa sidoo kale maamulka Somaliland ku eedeeyay, in uu kala dilayo bulshada wada-degta gobolka Sool oo sida uu sheegay beel-beel isaga horkeenayo, si uu dhexdooda uga faa’idaysto.

Mudane Dheglaab ayaa kamid ah, dadka sida weyn u aaminsan midnimada iyo isku-duubnida Soomaaliya, isagoo marwalba ku baaqa in umadda Soomaaliyeed ay heshiiso oo dib u midoobaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here