Taliyaal Ka Goostay Cidamada soomaliland Oo Ku Biiray Kuwa Difaaca Puntland

0
171

Saddex Taliye Ciidan Oo Kasoo Goostay Ciidamada Soomaaliland Ee Ku Sugan Gobolka Sanaag Ayaa Si Rasmi Ah Ugu Biiray Ciidamada Difaaca Puntland Ee Ku Sugan Deegaano ka Tirsan Gobolkaasi Sanaag.

Taliyaasha Ayaa Ciidamada Soomaaliland Ka Baxay Ka Dib Markii Ay Diideen Amar Uu Siiyey Taliyaha Ciidanka Soomaaliland Ee Ahaa In Ay Weerar Ku Qaadaan Degmada Badhan Ee Gobolka sanaag halkaas Oo Uu Ku Sugnaa Wefdi Ka Socday Maamulka Puntland.

Taliyaasha Oo Hoggaaminayey Ciidamo Wadar Ahaan Gaaraya 100 Askari Balse Deegaano Kala Duwan Joogay Ayaa Ugu Dambeyn Si Rasmi Ah Ugu Biiray Ciidamada Difaaca Puntland Ee Gobolka Sanaag Sida Ay Xaqiijiyeen saraakiil Ciidan.

Sidoo Kale Waxaa Gobolka Ku Sugan Xubno Ka Tirsan Golayaasha Xukuumadda Iyo Baarlamanka Puntland Oo sida la sheegay kulam la Qaadan Doona Taliyaasha Hoggaaminaya Ciidamada Soo Goostay.

Magaalada Badhan Ee Gobolka Sanaag Xalay Waxaa Ku Hoyday Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed, Wasiirka Amniga Puntland Cabdi-samad Maxamed Gallan Iyo Saraakiil Ciidan Oo Ka Tirsan Ciidamada Daraawiishta Iyo Booliska Puntland.

Dhammaan Mas’uuliyiintaan ka Tirsan Maamulka Puntland Ee Ku Sugan Magaalada Badhan Ee Gobolka Sanaag Ayaa Waxa Ay Kulamo La Qaadan Doonaan Saraakiisha Hoggaaminaya Ciidamadan Kasoo Goostay Soomaaliland

Gobolka Sanaag Waxaa Gacan Ku Heyntiisa Ku Muransan Maamullada Soomaaliland Iyo Puntland Waxaana Dhawr Maroo Hore Deegaano Ka Tirsan Gobolkaasi Uu Dagaal Ku Dhex-Maray Ciidamo Kala Taabsan Labada Dhinac Ee Puntland Iyo Soomaaliland.

Sidoo kale Maalin Ka Hor Magaalada Ceelbuh Ee Isla Gobolka Sanaag Ciidamada Soomaaliland Ayaa Gudaha U Galay Ka Dib Markii Taliyaha Ciidanka Soomaaliland Amar Ku Siiyey In Weerar Ku Qaadaan Degmada Balse dadaal Iyo Isu Soo Bax Ay Sameeyeen shacabka Ku Dhaqan Ceelbuh Waxaa Usuurta Gashay In Ay Ciidamadaasi ka Hortagaan Isla-markaana Baajiyey Weerarkii Ay Dmaacsanaayeen In Ku Qaadaan Degmada Ceelbuh Ee Gobolka Sanaag.

Ma Jiro Wax War Ah Oo Kasoo Baxay Maamulka Soomaaliland Oo Ku Aadan Taliyaashan Ciidamada Kala Goostay Una Galay Kuwa Difaaca Maamulka Puntland Ee Ku Sugan Deegaano Ka Tirsan Gobolka Sanaag

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here