Akhriso:- Zeylici Oo Xirtay Wadada Hor Marta Hoyga Uu Ka Degan Yahay Hargeysa

0
104

C/raxmaan Cabdullahi Zeylici Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Soomaaliland Ayaa Xirtay Wadada Hor Marta Hoyga Uu Ka Degan  Yahay Magaalada Hargeysa Ee Xarunta Soomaaliland Halkaas Oo U Dhigay Kaabado Waa Weyn Kuwaas Oo La Dhigay Inta U Dhaxeysa Gurigiisa Iyo Xarunta CID-da Ee Magaalada Hargeysa.

Wadadan Uu Xirtay Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Soomaaliland Ayaa Ka Mid Ah Wadooyinka Ugu Mashquulka Badan Magaalada Hargeysa Gaar Ahaana Gaar Ahaana Xaafadda Shacabka Waxaana Xusid Mudan In Goobtan Ay Ku Dhawdahay Xarunta Dambi Baarista Ee Turba Taariyada Oo Dhinaca Koonfureed Ay ka Xigto Wadada Wadna Ah Halkaas Oo Ay Ku Yaalaan Dhalalka Gadaadiidka Haga Inkastoo AAnay Shaqeyn Ayaa Haddana Wadadu Waxa Ay Tahay Mid Aad U Mashquul Badan

Tallaabadan Uu Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Soomaaliland C/raxmaan Cabdullahi Zeylici Ku Xirtay Wadada Hor Marta Hiyga Uu Ka Degan Yahay Hargeysa Ayaa Ka Turjumeysa In Xaalad Amni Ka Jirto Magaalada.

Inta Badan Kaabadaha Uu Zeylici Ku Xiray Wadada Gurigiisa Ayaa Waxaa Laga Isticmaalaa Goobaha Ama Magaalooyinka Ay Ka Jiraan Xaaladaha Amniga Kuwaas Oo mar Kasta Laga Filan Karo Weeraro Toos Ah Iyo Qaraxyo Ka Dhaca.

Inta Badan Shacabka Ku Dhaqan Magaalada Hargeysa Ee Soomaaliland Ayaa Isweydiinaya sababta Uu Madaxweyne Ku Xigeenku U Xirtay Wadada Guurigiisana Maadaama Ay Tahay Wax Aan Horay Looga Baran Hargeysa Iyo Guud Ahaanba Deeganada Soomaaliland.

Waxaa Xusid Mudan In Madaxweyne Biixi Xilligii La Doortay Uu Xirtay Labo Waddo Oo Ka Agdhaw Hoygiisa Kuwaas Oo Ay Ku Dhib Muteen Dadka Deriska La Ah Guriga Madaxweynaha Soomaaliland.

Tallaabadan Ay Ku Dhaqaaqqn Labadii Masuul Ee Ugu Sarreysay Soomaaliland Ayaa Muujineysa Cabsi Haatan Soo Wajahday oo Wadnaha Ayey Farta Ku Hayaan Maadaama Aanay Jirin Goobo Kale Oo Ay Ku Kalsoonaan Karaan Bad-Qabkooda Xattaa Madaxtooyada Looga Arrimo Maamulka Hargeysa Fadhigiisu yahay.

Balse Su’aashu Waxa Ay Tahay Saraakiisha Kulmiye Oo Uu Ugu Horreeyo Madaxweyne Biixi Cabsida Soo Food Saartay Halkey Kaga Timid Ma Axzaabta Kale Iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka Ah Miyey Dhakadaha Kaga Dhuumanayaan Mise waxaa Jirta Cabsi Kale Oo Qabayaan Weeraro Iyo Qaraxyo Lagu Khaarijiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here