Dhageyso:- Puntland Oo Mamnuucday In Hub Lagu Dhex-qaato Garoowe

0
35

Taliyaha cusub ee Booliiska gobolka Nugaal, ahna taliyaha ciidanka PSF ee gobolka Nugaal ,G/sare Cabdixamiid Maxamed Dirir oo maanta shirjaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe, ayaaa waamiir culus kasoo saaray sugidda amniga caasimadda Garoowe.

Taliyaha ayaa sheegay, in maan talaga bilaabo magaalada Garoowe ay mamnuuc ka yihiin, bacaha madoow ee lagu dhejiyo gaadiidka, isagoo digniin kusiiyay dhammaan gaadiidleyda in ay iskafiiqaan bacaha loo yaqaan beersolka, ka hor inta an ciidanku ka fiiqin.

Wuxuu caddeeyay in aysan jirin cid loo ogolyahay adeegsiga bacahamadow ee gaadiidka, marka laga reebo madaxweynaha,  madaxweyne kuxigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamanka oo keliy ah.

G/sare Cabdixamiid Dirir ayaa sidoo kale sheegay, in gudaha magaalada Garoowe uu mamnuuc ka yahay hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka hubku saaran yahay marka laga reebo ciidanka sugaya amniga ee hawlgallada ku jira.

Ugu dambeyntii, taliyaha ayaa digniin adag u jeediyay dad uu sheegay in ay Ramadaanta cunta xaaraan ah maalintii kariya oo qaarkood magaalada kala baxaan, isagoo ku hanjabay in tallaabo adag lagaqaadayo cidkasta oo jebisa awaamiirta uu soo saaray.

 

Hoos ka Dhageyso Codka Taliyaha Oo Dhameystiran:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here