Dhageyso:- Xildhibaan Fiqi Oo Madaxda Qaranka Ku Eedeyey In Masuul Ka Ahaayeen Fashilka Shirkii Garoowe

0
29

Dabayaaqadii Todbaadkii Tagay Magaalada Garoowe Ee Xarunta Gobolka Nugaal Ahna Caasimadda Maamulka Puntland Waxaa Lagu Kala Dareeray Shirkii Madaxda Dawladda Faderaalka Ah Ee Soomaaliya Iyo Kuwa Maamul goboleedyada dalka.

Shirkaas Ayaa La Sheegay In Uu Fashil Kusoo Idlaaday Ka dib Markii Ay Shirka Isaga Baxeen Madaxda maamullada Jubbaland Iyo Gal-Mudug.

Durba Shirkaasi Natiijo La’aanta Waxaa Siyaabo Kala Duwan Uga Hadlay Qaar ka Mid Ah Siyaasiyiinta Dalka Iyo Sidoo Kale Xubno Ka Tirsan Baarlamanka Aqalka Hoose Gaar Ahaana Xubnaha Dhaliila Siyaasadda Xukuumadda Xasan Cali Kheyre.

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi Oo Ka Tirsan Baarlamanka Golaha Shacabka Ayaa Sheegay In Fashilka Ku Yimid Shirkaas Ay Qaadanayaan Madaxda ugu Sarreysa Dalka Kuwaas OO Uu Tilmaamay In Aanay Wax Ajande Ah Shirka La Tagain.

Xildhibaan Fiqi Waxa Uu Xusay In Madaxda Qaranku Shirka Ay La Tageen Waxa Uu Ugu Yeeray Diidmo Qayaxan Isla-Markaana Ay Gaashaanka U Daruureen Wax Walba Oo Ay Soo Jeediyaan Madaxda Maamul Goboleedyada Sida Uu Hadalka U Dhigay.

 

Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhhibaanka Oo Dhameystiran:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here