Dhageyso:- Wasaaradda Waxbarashada Oo Hakisay Imtixaankii Dugsiyada Sare Ee Dalka

0
84

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa caawa ku dhawaaqay in Wasaaraddu ay joojisay gebi ahaanba imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare dalka oo maalmahan ay Wasaaradda ka qaadaysay ardayda dugsiyada sare ee dalka.

Wasiirka oo Xalay Warbaahinta Qaranka kala hadlay shacabka Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in wixii hada ka dambeeya la joojiyay imtixaankii socday, isla markaana la baabi’iyay dhamaan maadooyinkii ay ardayda saddexda maalin ee la soo dhaafay galeen.

Wasiir goodax ayaa xusay in laamaha ammaanku ay baaritaan ku sameyn doonaan dad la sheegay inay qish bixiyeen oo imtixaanka ku saabsan, islamarkaana sharciga lala tiigsan doono.

Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa hoosta ka xariiqay in timxaanka 27-ka bishan May dib loo qaadi doono.

Sidoo Kale Abdullahi Goodax Barre Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Ayaa Sheegay In Muddada Uu Imtixaanku Socdo Ee Shanta Beri Ah Hawada Laga Saari Doono Intertent-Ka.

Imtixaanka Shaadiga Ah Ee Dugsiyada Sare Oo Ay Dawladdu Qaadeyso Sanadkaan Waxaa U Fariisatay Ardey Gaareysaa illaa 35-Kun Oo Ardey Waxaa Uuna Gobollada Dalka Ka Socday Muddo Saddex Maalin Ah

 

 

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Oo Dhameystiran:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here