Dhageyso:- Shan Ruux Oo Ku Geeriyootay Roob Gelinkii Dambe Illaa Xalay Ka Da’ayey Hargeysa

0
47

Inta La Xaqiijyey Shan Ruux Ayaa Ku Geeriyotay Roob Galabta Ka Da’ay Magaalada Hargeysa Ee Xarunta Somaliland.

Saddex Dhalinyaro Ah Oo Wada Socday Ayaa Waxaa Qaaday Daadkii Roobka, Halka Wiil Iyo Gabar Kalena Ay Koronto Ku Dhegtay.

Gabadha Ayaa Korontadu Hor Qabatay Intaa Ka Dib Wiilka Ayaa Isku Dayey In Uu Gabadha Bad-baadiyo Balse Nasiib-Darro Isna Korontada Ayaa Ku Dhegtay.

Sidoo Kale Saddex Dhalinyarada Ah Ee Daadku Qaaday Laba Ka Mid Ah Ayaa Qaraabo Ahaa.

Mas’uuliyiin Ka Tirsan Maamulka Gobolka Maroodi-Jeex Iyo Kan Soomaaliland Oo Xalay Warbaahinta Kula Hadlay Hargeysa Ayaa Si Faah-Faahsan Kaga Hadlay Khasaaraha Ka Dhashay Roobabkaasi.

Mas;uuliyiinta Saxaafadda La Hadashay Waxaa Ka Mid Ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliland Mohamed Kaahin Ahmed, Wasiirka War-Faafinta Kan Hawlaha Guud Maayirka Gobolka Iyo Duqa Magaalada Hargeysa Abdirahman Solteco.

Dhinaca Kale Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi cabdi Ayaa Tacsi U Diray dadkii Ku Geeriyooday Roobabkaasi Sidoo Kale waxa Uu Digniin U Diray Dadka Dega Meelaha Biyo dageenka Waxa Uuna Sheegay In Tallaabo laga Qaadi Doono

 

 

Hoos Ka Dhageyso Warbixinta Abdi Rashid Ali Mohamed CCM Rashka:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here