Dhageyso:- Odayaasha Dhaqanka KGS Oo Shardi Adag Ku Xiray Madaxtinimada Lafta-Gareen

0
106

Qaar Ka Mid Ah Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Kulan Ku Yeeshay Magaalada Baydhaba Ee Xarunta Gobolka Bay Ayaa farriin U Diray Madaxweynaha Maamulkaasi AbdiAziz Hassan Mohamed Lafta-Gareen.

Odayaashu Waxa Ay Si Gaar Ah Uga Hadleen Arrinta La Xariirta Wadaadka Sheekh Mukhtar Roobow Ali Abuu Mansuur Oo hadda Ku Jira Gcaanta Dawladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya Ayey Odayaashu Ugu Baaqeen In Muddo 15-Beri Gudahood Ah Uu Kusoo Daayo Sheekh Mukhtaar Waa Haddii Uu Rajo Ka Qabo Xilkiisa Madaxtinimo Isla-Markaana Doonayo In Uu Sii Maamulo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo Kale Odayaashan waxa Ay Hoosta Ka Xariiqeen In Madaxwyne Lafta-Gareen Oo Shacabka Reer Koonfur Galbeed Dib Ugu Celinayo Bur-Burkii 1991-Dii Waa Sida Ay Sheegeen.

 

Hoos Ka Dhageyso Codka Odayaasha:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here