DEG DEG:-Guddoomiye Kuxigeenkii Hore Ee Degmada Boondheere Oo La Dilay

0
39

War Goordhow soo gaaray Radio Dalsan ayaa waxaa uu sheegayaa in Kooxo hubeysan gudaha Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir ay ku dileen Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Amniga iyo siyaasada degmadaas .

Dilkan ayaa waxaa uu ka dhacay Isgoyaka Boondheere dhinaca wadada soo aada Taalada Daljirka Daahsoon,isla markaan waxaa geystay kooxo hubeysnaa Bastoolado sida dad goobjoogayaal ah ay Dalsan u xaqiijiyeen.

Allaha u naxariistee Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Hiloowle,kaasi oo ku magac dheeraa Cali Dheere.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa tegay goobta uu dilka ka dhacay,iyagoo halkaas ka qaaday Meydka,sidoo kalena baaritaano ka wada halkaasi.

Cali dheere ayaa ku gudoomiye kuxigeen u ahaa Gudoomiyihii hore ee Boondheere Cabdullaahi Xirsi istakiin oo marna soo noqday Xildhibaan ka tirsan Galmudug.

Waa dilkii labaad ee ka dhacay Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir tan iyo markii laguda galay Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here