Xiisad u dhaxeysa Soomaaliland iyo Puntland oo ka taagan Gobolka Sanaag

0
139

Wararka laga helayo deegaanka Yubbe ee gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi Maanta ay ka taagan  tahay xiisad dagaal oo u dhaxeysa Ciidamada Soomaaliland iyo kuwa Dowlad goboleedka Puntland.

Labada Ciidan ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay isku aruursanayeen deegaano ka tirsan gobolka Sanaag,waxaana dad ku sugan deegaanka Yubbe ay sheegeen in Maanta la dareemayo xiisad u dhaxeysa labada dhinac.

Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland oo u abaabulan hab beeleed ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay Xarumo ka sameysteen Saldhigyo ku yaalla deegaanada Gacan-Maroodi iyo Shidan oo u dhow deegaanka Yubbe ee Gobolka Sanaag.

Taliyaha hoggaaminaya Ciidamada hab beeleedka u abaabulay ee deegaanadaasi gacanta ku haya oo lagu Magacaabo Bashiir Axmed Jaamac ayaa maalma ka hor Soomaaliland u direy farriin hanjabaad ah,isaga oo sheegay inay deegaano nabdoon kusoo duuleem.

Xiisadaas Maanta ka taagan deegaanka Yubbe ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa  xilli weli deegaanka tukaraq ee Gobolka Sool ay isku hor-fadhiyaan Ciidamada Puntland iyo kuwa Soomaaliland oo dhowr jeer wada dagaalamay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here