Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xaaf & Safiirka dawladda Sweden u fadhiya Soomaliya?

0
105

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf oo weli booqasho ku jooga Magalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ayaa waxaa Maanta uu halkaasi kula kulmay safiirka dawladda Sweden u fadhiya Soomaliya.

Madaxweyne Xaaf iyo  Safiirka dawladda Sweden, ambassador. Andreas von Vexkull,ayaa waxaa ay ka wada hadleen xaalada Soomaaliya sigaar ah tan degaanada Dowlad goboleedka Galmudug oo xilligaan dhibaatooyin kala duwan ay ka jiraan.

Madaxweynahu wuxuu uga mahad celiyey dawladda Sweden hawsha adag ay ka wadaan Somalia gaar ahaanna kuwa ay ka wadaan Galmudug. Wuxuuna u bandhigay baahiyaha ka jira Galmudug loona baahan yahay in dawladda jarmalka gacan ka geysato.

Horay ayaa Madaxweynaha Galmudug waxa uu ula kulmay safiirka Midawga Yurub u qaabilsan Somaliya, Fulgencio Garido-Ruiz, isaga oo u sharaxay in Dowlada dhexe ay siyaasadeysay mashaariicdii horumarineed ee Galmudug caalamka ugu talagalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here