SAWIRO:-Nabadoon Maanta Caddado Lagu Caleemo Saaray

0
47

Munaasabaddan Oo Aheyd Mid Lagu Caleema Saaryey Nabadoon Ay Yeelaneyso Mid Ka Ka Mid Ah Beelaha Dega Deeganada Gal-Mudug Ayaa Maanta Waxa Ay Ka Dhacday Xarunta Madaxtooyada Degmada Cadaado Ee Xarunta Baarlamanka Maamulka Gal-Mudug.

Munaasbadda Ayaa Waxaa Kasoo Qayb Galay Mas’uuliyiin Ka Tirsan Labada Gole Ee Gal-Mudug, Maamulka Degmada Cadaado Qaar Ka Mid Ah Wax-Garadka, Nabadoonada Iyo Samadoonada Ugu Caansan Gobolka.

Ugu Horreyn Xafladda Caleema Saarka Ah Ayaa Waxaa Ka Hadlay Qaar Ka Mid Ah Waxgaradka Iyo Nabadoonada Kasoo Qayb Galay Munaasabadda Waxa Ayna Nabadoonka La Caleema Saaray U Jeediyeen Hadallo Isugu Jira Hambalyo Iyo Dardaaran.

Dhankiisa Guddoomiyaha Degmada Cadaado Cabdullaahi C/raxmaan Xuseen Tootoole Oo Isna Madasha Ka Hadlay Ayaa Soo Dhaweeyey Caleema Saarka Nabadoon Shekh Xasan Max’ed Cabdi Oo Ah Nabadoonka Maanta Lagu Caleema Saaray Cadaado Waxa Uuna Xusay In Beeshiisu Waqtigaan Baahi U Weyn U Qabatay In Yeelato Nabadoon Ay Ka Talo Qaataan.

Ugu Dambeyn Hadalka Waxaa Qaatay Nabadoon Sh.Xasan Maxamed Cabdi Oo Maanta Caleema Saarkiisu Ka  Magaalada Cadaado Waxa Uuna Ugu Horreyn U Mahad celiyey Mas’uuliyiinta Kasoo Qayb Gashay Xafladda Caleema Saarkiisa.

Sidoo Kale Nabadoon Sheikh Hassan Waxa Uu Hoosta Ka Xarriiqay In Uu Ka Shaqeyn Doono Nabadeynta Iyo Isku Soo Dhawaanshiyaha Shacabka Reer Gal-Mudug.

Nabadoon Sheikh Hassan Mohamed Cabdi Oo Maanta Caleema Saarkiisu Ka Dhacay Cadaado Ayaa Ka Mid Ah Nabadoonada Sida Aadka Looga Yaqaan Gobolka Gal-Gaduud Iyo Guud Ahaanba Deeganada Maamulka Gal-Mudug.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here