Dilka Iyo Dhaca Lagu Soomaalida Koonfur Africa Oo sara U Kacay Iyo Safaaradda Soomaaliya Ee K/A Oo Ka Hadashay

0
70

Dalka Koonfur Africa 24-Kii Saac Ee Ugu Dambeysay Waxaa Ka Dhacay Falal Isugu Jira Dhac Boob Iyo Dilal Loo Geystay soomaalida Ganacstada Ah Ee Ku Nool Gudaha Dalkaasi Koonfur Africa.

Kooxo Burcad Koonfur African Ah Ayaa Xalay Waxa Ay Dhac Iyo Boob U Geysteen Dukaan Soomaalidu Leedahay Oo Ku Yaala Xaafada Mayfair Magaalada Johannesburg Ee Dalkaasi Koonfur Africa.

Burcadda Ayaa Qaatay Badi Hantidii Taalay Dukaanka Sidoo Kale Waxa Ay Burburiyeen Dhismihii Dukaanku Ku Yaalay Iyaga Oo awood U Isticmaaley.

Burcadda Ayaa Inta Ay waday Boobka Dukaanka Ayaa Sidoo Kale Waxa Ay Dhaawaceen Muwaadin Soomaaliyeed Oo Isugu Dukaanka Ku Sugnaa Xilliga Burcaddu Dhaca Geysaneysay.

Muwaadinkan La Dhaawacay Ayaa Magaciisa Lagu Soo Koobay Ismaaciil Waxaana Intaasi Ka Dib Goobta Isaga Tagay Burcaddii Dhaca Geystay.

Soomaaliga Ay Dhaawceen Ayaa Sida Wararka Aan Ku Heleyno Waxaa Ugu Dambeyn Goobta Ka Qaday Qaar ka Mid Ah Ganacsatada Soomaalida Ah Oo Iyagu Markii Dambe Goobta Tagay.

Dhinaca Kale Burcad Koonfur Afrikaan Ah Ayaa Xalay Fiidkii Mawaadin Soomaaliyeed Waxa Ay Ku Dishay Magalada King Willaims Town Oo Hoostagta Eastern Cape Ee Dalkaan Koonfur Afrika.

Muwaadinkaan Burcaddu Dishay Ayaa Allah Ha U naxariistee Waxaa Lagu Magacaabi Jiray Mukhtar Cumar.

Dilalka Loo Geysanyo Ganacsatada Soomaaliyeed Ee Ku Nool Gudaha Dalka Koonfur Adrica Ayaa Maalmihii Dambe Sara U Kacay Waxaana 48-Saac Ee Ugu Dambeysay Koonfur Africa Dil Dhaawac Loogu Geystay Illaa Iyo Saddex Qof Oo Ah Muwaadiniin Soomaaliyeed Oo Ganacsi Ahaan U Jooga Dalkaasi.

Sidoo Kale Dilalkaasi Waxaa Bar-Bar Socday Dhac Iyo Boob Burcad Koonfur African Ahi U Geysaneyso Ganacsatada Soomaaliyeed Ee Ku Dhaqan Gudaha Dalkaasi Koonfur Africa.

Habeen Ka Hor Ayey Aheyd Ka Dib Markii Burcad Hubeysani Xaafadda Mayfair Ee Magaalada Johannesburg Ku Toogteen Nuur Maxamed Cumar Nuurdheere Oo Ka Mid Ahaa Ganacsatada Ku Nool Gudaha Dalkaasi Koonfur Africa.

Danjiraha Safaarada Soomaaliya ee Dalka koofur afrika Jamaal Maxamed Barrow ayaa waxaa uu Magaalada Cape town kula Kulmay Qaar kamid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee Magaaladaasi, kuwaasi oo goobahoodi ganacsi Bililiqo iyo Boob ay u geysteen dadka deegaanka ee Xaafadaha Nomzamo iyo Lwanda oo ku yaala Tuulada Strand oo ka mid ah Magaalada Cape town.

Safiirka ayaa waxaa uu Booqday goobihii Ganacsi ee Soomaalida Strand lagaga boobay, Halkaas oo uu warbixinno arinkaan la xariira uu kaga dhegeystay Soomaalida.

Ugu dambeyn safiirka ayaa ka ballan qaaday Ganacsatii uu La kulmay in uu dhibaatadooda u gudbin doono Dowladda Soomaaliya, si ay Dowladda Koofur Afrika ugala hadasho dhacdooyinkaasi soo noq-noqday ee jinsi naceybka ku salysan, inta badannna lagu barakiciyo dadka ajaanibta ahi, waxuuna Sidoo kale Safiirka ugu baaqay Soomaalida in ay ka Foojignaadaan xilliyada ganacsigooda boobka loo geysananyo fal dambiyeedyo laga yaabo in ay xaaladda uga sii daraan.

Dhawr Maroo Hore Guddiga Ganacsatada Soomaalida Ah Iyo Mas;uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya Ee Dalkaasi Ayaa Waxa Ay Kulamo La Qaateen Xubno Ka Tirsan Mas’uuliyiinta Koonfur Africa Iyagoona Kala hadlayey Sidii Wax Looga Qaban Lahaa Dilka Iyo Dhaca Lagu Hayo Muwaadiniinta Soomaalida Ah Ee Ganacsi Ahaanta U Joogta Dalkaasi.

Balse Illaa Iyo Hadda Ma Muuqato Qorshe Cad Oo Madaxda Dawladda Koonfur Africa Iyo Mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya Ee Dalkaasi Isla Meel Dhigeen Si Looga hortago Soomaalida Maalin Kasta Lagu Leynayo Dalkaasi Koonfur Africa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here