Dhageyso:-Xayawaan Sumeysan Oo Dhibaato Ku Hayo Dadka Deegaanka Iidoole

0
81

Dadka xoolo dhaqata ee kunool miyaga deegaanka iidoole oo hoos imaada  dagmada cadaado  ayaa cabasho balaaran kamuujiyay qaar kamid ah xayaaanka duur joogta oo dhibaato kuhaya iyaga iyo xoolahooda xayawaanadaan oo kal dawaco iyo weer ayaa maalin iyo habeen si isku mid ah u laynaya xoolaha waxaana mar marka qaar dhacay inay weeraraan xoolaha iyadoo dadku lajooga cabdul maxamuud oo kamid dadka ay xoolaha  kalaayeen ayaa iiga waramey dhibaatada ay kuhayaan xawankaan

Sabab ugu way ee badisay weerarka xayawaanka duur joogta ayaa la iigu sheegay inay tahey sun dhacdey oo lasiiyay waxaana halkii uu kudhiman lahaa uu kaqaadey wareer iyo waali waana tan sababtay inuu xoolaha weero iyadoo dadku lajoogo sida uu mar kale ii sheegay cabdul maxamuud oo kamid ah xoola dhaqatada miyaga iidoole

Si kastaba ha ahaatee dadkaan xoolo dhaqatada ayaa maamulka damada cadaado iyo kan galmudug kacodsadey inay gacan kasiiyay sidii wax looga qaban lahaa xayawaanka sumaysan ee dhibta kuhaya iyaga iyo xoolahooda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here