Sawirro+Dhageyso:- Roob Doon Maanta Ka Dhacya Godinlabe B

0
88

Isu Soo Baxaan Roob Doonta Ah Ee Maanta Ka Dhacay Magaalada Godinlabe Ee Gobolka Gal-gaduud Ayaa Waxaa Soo Agaasimay Culimo Awdiinka, Odayaasha Deegaanka Iyo Maamulka Godinlabe.

Boqolaal Ka Mid Ah Shacab Ah ku Dhaqan Magaalada Godinlabe Ayaa ka Qayb Qaatay Isku Soo Baxaan Kuwaas Oo Wajiyadooda Laga Dheehan Karay Sida Ay Ugu Faraxsan Yihiin Isu Soo Baxaan Roob Doonta Ah.

Labada Rakco Ee Salaadda Roob Doonta Ah Ayaa Waxaa Lagu Oogay Fagaare Ku Yaal Xaafadda Waaberi Ee Magaaladaasi Godinlabe.

Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada Godinlabe Cabdul Xasan Afrax Oo Tukuashada Saaladda Roob Doonta Ah Ka Dib La Hadlay Radio Cadaado Ayaa Sheegay In Isu Soo Baxaan Uu Ahaa Mid Shaacbka Reer Godinlabe Allah Uga Dalbanayeen Raxmadiisa.

Guddoomiyuhu Waxa Uu Xusay In Gebi Ahaanba MaantaLa Fasaxahay Dugsiyada Waxbarasho Ee Ku Yaal Gudaha Magaalada Godinlabe Munaasabadda Roon Doonta Ah Awgeed.

Isu Soo Baxaan Roob Doonta Ah Ee Maanta Ka Dhacay Magaalada Godinlabe Ee Gobolka Gal-Gaduud Ayaa Imaanaya Xilli Weli Abaar Iyo Kululey Aad U Darani Ka Taagan Yahay Meelo ka Mid Ah dalka Wallow Haatan Roobkii Gu’ga Uu Ka Curtay deegaano iyo Degmooyin Ka Tirsan Gobollada Waqooyi Ee Dalkeena Somaaliya.

 

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada Godinlabe:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here