Muwaadin Soomaaliyeed Oo Xalay Lagu Dilay Koonfur Africa

0
84

Koox Burcad Koonfur African Ah Ayaa Xalay Muwaadin Soomaali Ah Ku Dilay Gudaha Dalkaasi South Africa.

Dilka Waxa Uu Si Gaar Ah Uga Dhacay Magaalada Johansbarg Gaar Ahaana Xaafadda Mayfair Oo Ay Soomalidu Degan Tahay.

Marxuumka La Dilay Ayaa Lagu Magacaabaa Nuur Maxamed Cumar Nuur-dheere Waxaana La Dilay Xilli Uu Xaafadiisa Usii Socday Sida Uu Radio Cadaado Xaqiijiyey Goob-jooge Ku Sugan South Africa.

Allah Ha U Naxariistee Nuur-Dheere Ayaa Ka Mid Ahaa Soomaalida Ganacsiga U Joogta Gudaha Dalkaasi Koonfur Africa.

Intaa Ka Dib Kooxihii Dilka Geystay Ayaa Goobta Isaga Baxsaday Waxaana Marxuumka La Dila Meydkiisa Meesha Ka Qaaday Ganacsato Kale Oo Soomaali Ah Kuwaas Oo Meesha Ag Dhawaa.

Inta Badan Dilalka Muucaan Oo Kale Ah Oo Loo Geysanayo Soomaalida Ganacsiga Ku Leh Koonfur Africa Ayaa Ka Dhaca Gudaha Dalkaasi Mana Jirto Tallaabo Cad Oo Ay Qaaday Safaaradda Soomaaliya Ee Koonfur Africa Si Wax Looga Qabto Ganacstada Soomaalida Ah Ee Inta Badan Lagu Dilo Gudaha Dalkaasi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here